Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Imaaraadka oo si kulul uga hadashay Saraakiishii looga dilay Muqdisho

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkan. Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay, in weerarkan lagu dilay saddex ka mida ciidamada dalkooda iyo weliba sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dalka Baxrayn, kuwaas oo ahaa macalimiin tababarayey ciidamada Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay baaritaanka weerarkan ay si dhow ugala shaqaynayaan dawladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan toogasho ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee General Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen saraakiil kale.

Dawladda Soomaaliya illaa haatan faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana isla goobtii lagu dilay askarigii ka dambeeyey weerarkan toogashada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Madaxweynaha oo Isbitaalka ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraadka Carabta ee ku dhaawacmay weerarkan, ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

 

Related posts

Al Shabaab oo Weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Caad

Cabdi Cade

Saciid Ciise: Ma jiro dagaal aan jabkiisa wadan, madaxda dalka waxaa looga baahan yahay..”

Caydiid Ali

Xal laga gaaray cabashada Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade