Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil & qaraxyo caawa ka dhacay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay nin ka mid ahaa ganacsatada magaaladaas.

Rag ayaa goobtiisa ganacsi ku dilay marxuumka kadibna meesha isaga baxsaday sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan halkaas ciidamada amaanka ayaana wada baariitaano.

Sidoo kale Qaraxyo is xigay ayaa laga maqlay gudaha Boosaaso waxaana la sheegaya in bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkan, sidoo kale ma cadda sababnta loo dilay ganacsadaha iyo cida ka dambeysa.

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari weli kama hadlin falalka amni-darro ee caawa ka dhacay Boosaaso oo dhibane u aheyd mudooyinkan falalal amaan daro oo soo laalaabtay.

Related posts

Shaqo Joojin lagu sameeyay Kuxigeenada Agaasimaha Nabad Sugida Somalia (Akhriso Cadeyn)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka beri dhexmaraya Farmaajo & Muuse Biixi

Caydiid Ali

Israa’iil oo dad badan oo Shacab ah ku xasuuqday xerada Al-Maghazi iyo Xamaas oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---