Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey falkii lagu laayey saraakiisha Imaaraadka & Al shabaab oo sheegatay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar caawa ka dhacay xerada tababarka ciidamada Gen. Gordan ee magaalada Muqdisho halkaasoo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraadka ee xeradaas maamulayey.

Sida wararku nagu soo gaarayaan weerarka ayaa ka dhacay xiligii salaada maqrib masjidka xeradaas oo ay ku jireen saraakiil fara badan oo iskugu jiray Soomaali iyo imaaraad.

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidankii xeradaas lagu tababaraayey oo ku hubeysnaa qoriga BKM ayaa rasaas ku furay saraakiishaas waxaana ka dhashay khasaare balaaran.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 5 sarkaal oo ka tirsan kuwa Imaaraadka ay ku dhinteen weerarkan, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya.

Warar kale ayaa ku waramaya in Sarkaalka ugu sareeya Saraakiisha Imaaraadka oo markii hore ay soo baxday inuu geeriyooday ayaa waxaa hadda la ii xaqiijiyay in dhaawac culus yahay oo xaalad Koomo ah uu ku jiro, laguna daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaa Sarkaalia lagu magacaabaa Col. Maxamed Mubaarak.

Sidoo kale saraakiil Soomaali ah ayaa iyana weerarkaas ku noqday dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhamaan meydadka iyo dhaawacyada la geeyey Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo aan wax badan ka fogeyn xeradaas.

Askarigii falkaas geystay ayaa la toogasho lagu dilay markii dambe, waxaana masuuliyada weerarkan sheegatay Al shabaab oo intaas ku dartay in askarigaas uu iyaga u shaqeynayey uuna laayey 6 ka mid ah saraakiisha Imaaraadka halka qaar kale oo badana uu dhaawacay.

Ilo wareedyo aan ka helnay gudaha xerada Jen. Gordon ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa Ciidamada amniga Xerada gacanta ku haya, kaasoo marki dambe la toogtay, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.

Waxaa gebi ahaan xiran wadada gasha isbitaalka Digfeer iyo wadooyinka kale ee magaalada qaarkood, warar aan la xaqijiin ayaana sheegaya in in qaar ka mid ah madaxda sare ee dowlada iyo danjiraha Imaaraadka ay gaareen halkaas.

 

Related posts

Waa Maxay ujeedada dowlada Turkigu ka leedahay taageerada ay siiso Soomaaliya?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay wakiilka cusub ee UN-ka u qaabilsan Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u gudbisay Hay’addo Garsoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---