Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon oo ku taalla degmada Hodan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaraay

Labo kale oo ka tirsan saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaawacay isla xeradaas

Wararka ayaa sheegaya in askari ka mad ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas uu falkan geystay.

Askariga ayaa ku dhintay israsaaseyn muddo socotay oo xerada ka dhacday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada saraakiisha la dilay ee Imaaraadka ay gaareyso 9 iyo dhaawac 15 ka badan

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa taliyihii ugu sareeyay ciidanka Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jen. Gordon.

Lama oga sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay saraakiisha Imaaraadka, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia

Shacabka Gaza oo qeylo dhaan soo saaray “Ma jirto meel ka dambeysa Rafax oo aan qaxno. “

Related posts

Dowlada Somalia oo Shirkado reer Galbeed ah la gashay heshiis sahmin Shidaal

Caydiid Ali

Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax ka dhan ah Galmudug oo ka dhacay Balanbale iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---