Qoys Shiinees ah ayaa hadalheyn weyn ka dhex abuuray baraha lagu xiriiro ee dalkaas kaddib markii ay doorteen inay noloshooda caadiga ah ku dhex qaataan hoteellada casriga ah – iyaga oo sida guryaha caadiga ah oo kale u kiraysanaya.
Sababta ayay ku sheegeen inuu qiimo ahaan u jaban yahay – isla markaana uu leeyahay damaanad ha iga guurin ah. Waxay sheegeen in waqtigan la joogo ay kaga maarmi karaan inay iibsadaan guri ay gaar u leeyihiin.
Qoyskan oo ka kooban 8 qof ayaa si caadi ah ugu nool hoteel kuwa raaxada ah kamid ah oo ku yaalla Nanyang. In ka badan 240 maalmood ayay hadda joogaan mana qorsheynayaan – dhawaa iyo dheeraaba – inay ka guuraan. Maalin walba waxay ku degan yihiin hoteelkan lacag dhan 1,000 yuan or $140 oo sida ay sheegayaan aad uga jaban marka lala barbardhigo guryaha kale ee dabaqyada ah oo magaalada ku yaalla.
Labo qol oo jiif ah: ardaa weyn oo fadhi ah oo loo dhameystiray naashnaash iyo agab oo dhan ayay subax walba kasoo dhex toosaan. Qofka caadiga ah wuxuu moodayaa inay yihiin dad safar ah oo dalxiis iyo dano kale u jooga hoteelka. Laakiin, warkooda hadda wuxuu qabsaday guud ahaanba Shiinaha.
Waxay sheegeen inay ku dareemayaan hoteelkan raaxo ku filan oo ay kaga kaaftoomayaan kiraysiga guryaha kale ee caadi ahaan loo dego. Adeegyada biyaha, korontada iyo wixii la halmaala ayay tilmaameen inaysan marnaba ka joogsan ama ka tagin taas oo ka caawisay inay halkan ka yeeshaan rugta noloshooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com