Allbanaadir.com
NEWS

Nin saaxiibtiis kusoo dilay dalka Mareykanka oo ka baxsaday xabsi kuyaalla dalka Kenya

Nin dil kasoo goostay gudaha dalka Mareykanka dhawaana lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya , ayaa lagu soo waramayaa in uu ka baxsaday saldhig booliis uu ku xirnaa ninkan.

Kelvin Kangethe, oo 41 jir ah, ayaa ciidamada booliiska dalka Kenya xireen isbuucii hore xilli uu kasoo baxay goob lagu caweeyo oo kutaalla Nairobi, ninkan ayaana muddo waxaa kudaba jiray booliiska Kenya iyo kan Mareykanka.

Maxkamad kutaalla magaalada Nairobi oo ninkan la saaray ayaa oggolaatay in muddo 30-cisho dheeraad ah xabsi lagu sii haayo, hasa ahaatee war kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan uu ka baxsaday saldhiggii uu ku xirnaa Arbacadii.

Booliiska Kenya ayaana sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo ninkan gacankudhiiglaha ee ka baxsaday xabsiga, waxa ayna dadka ka codsadeen in ay booliiska lasoo xiriiraan haddii ay helaan xogta ninkan baxsadka ah.

Ninkan baxsadka ah ayaa bishii October ee sannadkii hore dilay saaxiibtiisa, waxa uuna meydkeeda oo gaari ku dhax jira uga soo tagay garoonka diyaaradaha  Boston Logan, markaas uu usoo dhoofay dalka Kenya uu asal ahaan kasoo jeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo maanta labo Ujeedo u hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Xildhibaan Soomaaliyeed oo ka shifay in Imaaraatka Lacag ku bixinayso Bur burka Somalia

Cabdi Cade

Ciidamo saddex qeyb ka kooban oo howlgal culus ka sameeyay qeybo kamid ah Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---