Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Xiddigii Galmudug koobka kula guuleestay oo Dhuusomareeb ku geeriyooday

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ku geeriyooday ciyaaryahan Muxudiin Cabdi Muriidi (Diimow) oo kamid ahaa ciyaartoydii Galmudug kula guuleestay koobka dowlad goboleedyada .

Ciyaaryahanka oo difaac uga ciyaarayay xulka Galmudug ayaa xanuun lasoo darsay intii ay socdeen tartanka dowlad goboleedyada, waxa uuna xiddigan u saftay xulka Galmudug kulamadii ugu horreeyay tantanka kahor inta uusan xanuun ku dhicin.

Xulka Galmudug oo safar ku marayay magaalooyin katirsan Galmudug ayuu kamid ahaa Muxudiin ciyaartoydii safarkaasi qeybta ka ahaa, waxa uuna shalay mar kale xanuun kusoo booday sababay in la dhigo isbitaalka Dhuusomareeb uu maanta ku geeriyooday.

Ciyaartoyda iyo macalimiinta Galmudug oo maanta ku wajahnaa magaalada Cadaado ayaa baajiyay safarkooda kaddib geerida ciyaaryahanka Muxudiin Diimow, waxa uuna warkan ciyaartoyda ku noqday naxtin iyo murugo.

Galmudug ayaana markii ugu horreysay ku guuleesatay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dhawaan kusoo dhammaaday Muqdisho, waxa ayna xiddigaha Galmudug ku jireen damaashaad kahor geerida xiddiga kooxdooda katirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi kasoo horjeeda Axmed Madoobe lagu weeraray Kismaayo iyo khasaaro ka…

Cabdi Cade

Guddoonka Labada Aqal oo lagu eedeeyay in ay jeebka u galeen Villa Somalia una adeegayaan

Cabdi Cade

Geedo Qurux badan oo lagu talaalayo Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---