Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

UNICEF: Gaajo iyo cudur ayaa cirka isku shareeri doona haddii Rafah la weeraro

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay qorshaha militariga Israa’iil ku doonayaan iney ku weeraraan degaanka Rafah oo ka tirsan marinka Gaza iyadoo xustay inay jiraan in ka badan 600,000 oo carruur ah oo aaggaas ku sugna.

Agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa sheegtay in weerarka lagu qaado Rafah uu calaamad u noqon doono dagaal kale oo ba’an iyo masiib bani aadamnimo.

Waxay sheegtay in kumanaan kale ay ku dhiman karaan duqeymaha, rabshadaha iyo in la waayo adeegyada muhiimka ah, ayna sii carqaladayn karto gargaarka bini’aadantinimo.

“Waxaan u baahannahay cisbitaalada ugu dambeeya ee Gaza, hoyga, suuqyada iyo nidaamyada biyaha si ay u sii shaqeeyaan,” ayey tiri Russell “La’aantood, gaajo iyo cudurro ayaa cirka isku shareeri doona, oo ay carruur badan ku dhiman doonaan.”

In ka badan kala bar dadka Marinka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa u qaxay Rafah, iyaga oo u hoggaansamay amarada daadgureynta Israa’iil ka hor duullaanka dhulka.

Related posts

Warbixintii ugu dambeysay oo laga soo saaray xaalada cudurka COVID-19 ee Somalia

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Dhismaha Gole hawlaha dowlada dhexe sii wada waxaan u arkaa..”

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade