Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal u dhexeeya labo Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ka socda..

Dagaal ayaa maanta ka socda degaan lagu magacaabo Jiic-Boor oo ka tirsan gobolka Mudug kaasoo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya inay halkaas ku dagaallamayaan maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaana Galdogob iyo Bandiiradley.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca Bandiiradley ay afduubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda degaanka Galdogob.

Ugu yaraan lix ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka halka in ka badan 15 kale ku dhaawacmeen.

Ma jiraan ilaa hadda warar ku saabsan dagaalkan oo ka soo kala baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo labada maleeshiyo ay ku kala abtirsadaan.

Related posts

Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay Saraakiil & saanad milateri

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Muqdisho iyo rag hubeesan oo galay Dhismo ku…

Cabdi Cade

Doorashada Somalia Ma waxaa ku hordamaya Farmaajo & danwadaagta Yurubta Galbeed?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---