Waxaa xalay baraha bulshada lagu baahiyay wareysi dheer uu bixiyay abwaankii macalinka ka ahaa jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladnimada Soomaaliya.
Abwaanka oo shaqaale dowladeed ahaa ayaa si lama filaan ah ugu baxsaday kooxda Al Shababa uu hadda katirsan yahay, waxa uuna sheegay in uu la dhacay fikirka dagaalka ku dhisan ee kooxda Al Shabaab.
Xildhibaan Cabdiraxmana Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in abwaanka isku dhiibay Al Shabaab uu kamid yahay dhallinyaro aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo uu fikirkoodu ku dhismay aragtida dhagarmaleegga ama meel ku dhegga.
Waxa uu sidoo kale xusay in sababta uu kooxda Al Shabaab isugu dhiibay abwaanka ay tahay caro iyo ciil uu qabay sida uu tilmaamay, waxa uuna xusay in fikirka nuucaan ah kaliya aysan ku jirin Abwaan Nageeye.
”Dadka caynkaa ah arrin walba hal suurad ayey u leedahay, hal sina waa ugu sar go’atahay, duniduna waa u caddaan iyo madow, dadkuna waa u cadow iyo saaxiib, waxaana gabbaad u ah diin, waddaniyad ama qowmiyad. Waxaa kaloo inta u sii dheer in ciddii aan la aragti ahayn ay gaalaysiiyaan ama ku sifeeyaan maangaab, shisheeye kalkaal iyo dabadhilif. Caddaanka midigta fog ah ee Maraykan iyo reer Yurub, Hindooska Hindiya, Yuhuudda xagjirka ah iyo Kooxda AS ee uu Nageeye ku biiray waa ay ka simanyihiin arrinkan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dad badan ayey layaab ku noqotay in xilligan la joogo qof aqoonyahan ah oo heestay nolol uu doorto in uu duurka galo kuna biiro kooxda Al Shabaab , dadka qaar ayaa dhankooda aaminsan in abwaanka markiisii horba katirsanaa Al Shababa balse is qarinayay.

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com