Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gadoodsan oo maanta xiray saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Garawe

Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa maanta xirtay saldhiga dhexe ee caasimadda magaalada Garoowe.

Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay dhammaan shaqadii ka socotay saldhiga dhexe ee Garoowe waxaana la sheegay in ay dalbanayaan mushaar ka maqan dhawr bilood.

Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan 9 bilood islamarkaana aysan garanayn sababta loo siin waayay mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.

Gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya degaannada Puntland iyadoo sidaan oo kale shalay ka dhacday Boosaaso.

Related posts

Sheekh Zakir Naik oo laga mamnuucay in Wacdi ka jeediyo Dal Muslim & Sababta keentay

admin

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay iyo sababta keentay

Cabdi Cade

UK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---