Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Garawe ee caasimadda Puntland ayaa xalay bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxo cabtoy hubeysan iyo kooxaha kale ee ka ganacsada daroogada, kuwaa oo falal amni dara kawada caasimadda Garawe.
War kasoo baxay taliska booliiska magaalada Garawe ayaa lagu sheegay in xalay bilaabeen howlgalo ka dhan ah kooxo cabtoy ah oo faraha kula jiray dambiyo culus oo la xiriira ka ganacsiga daroogada .
”Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal ayaa caawa (xalay) hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro” ayaa lagu yiri warka booliiska.
Booliiska Garawe ayaa ballan-qaaday in howlgalkan ka dhanka ah cabtoyda hubeysan ay si joogto ah usii wadi doonaan, waxa ayna caddeeyeen in howlgalkan lagu soo afjarayo cabtoyda soconayo ilaa natiijo wannaagsan laga gaaro.
”Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowlada Puntland waxay balan-qaadayaan dhib kasta oo ka yimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan” aya alaguj yiri warka booliiska soo saareen.
Magaalada Garawe ayaa xilliyada habeenkii marka dadku badi seexdaan waxaa magaalada qasa oo la wareega kooxo cabtoy hubeysan, kuwaa oo si macno darro ah rasaas u fura ,sidoo kale dhibaateeya dadka shacabka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com