Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo maalmo kale ugu daray dadka degan dhulka Dab-damiska

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa markale ogeysiinayaa dadka ku dhaqan degmada Wadajir gaar ahaan dhulka Dabdamiska iyo hoggaanka dhismaha booliiska ee ku yaala ka soo horjeedka daarta Seey Biyaano (6 piano) in ay halkaasi isaga guuraan.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska ayaa loogu baaqay dadka shacabka ee degan dhulkaasi in ay isaga guuraan, waxa ayna mar kale booliiska dadka dhulkaasi degan ugu dareen muddo 3 asbuuc ah in halkaasi uga guuraan.

”25 Nov 2023, ayaa dadka dagan dhulkaas la siiyay ogeysiis 2 bilood ah oo ay ku guuraan kuna ekeyd 25 Jan 2024, shiqaaqo ka dhacday owgeed markale waxaa la siiyay mudo 2 asbuuc ah oo ku egeyd shalay oo ah Arbaco aheyd 07 Feb 2024” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in codsi uga yimid guddiga dadka halkaasi degan owgeed ugu dareen muddo saddex isbuuc ah, waxa ayna booliiska sheegeen in saddex isbuuc kaddib ay  qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Dadka degan dhulka Dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha booliiska ayaa diidan in ay halkaasi isaga guuraan, waxa ayna dadkan dhagaha ka fureesteen digniino dhowr ah oo hoggaanka booliiska Soomaaliya uga soo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ceelhuur

Cabdi Cade

(Daawo Video) Faah Faahin dheeraad ah iyo qasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho!!

admin

Daawo:-Soomaali muddo dheer ku xanibnayd dalka Iiraan oo lagu soo celiyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---