Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo gadoodsan oo xirtay jidka u baxa Gegida dayuuradaha Boosaaso

Ciidamo gadoodsan ayaa maanta xirtay jidka garoonka dayuuradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kuwaasoo xanibay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo qeyb ka ahaa kuwii lagu soo tababaray dalka Eriteriya ayaa gadoodka ay sameeyeen waxaa uu la xiriiraa mushahar la’aan iyo daryeel xumi muddo dheer heysatay sida ay sheegeen.

Ciidankan oo deganaa xero u dhow garoonka dayuuradaha Boosaaso ayaa Askar ka tirsan waxay shalay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal ay kaga cabanayaan mushaar la’aanta.

Saraakiil hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa sheegay in mas’uuliyiin ay maalmo ka hor la kulmeen ay been u sheegeen kadib markii ay ku wargeliyeen iney mushaharka Arbacada maanta ah heli doonaan.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo kuwa maamulka Puntland ayaa la sheegay iney ciidankan wadahadal la galeen kuwaasoo ugu dambeyn ku qanciyey iney wadada dib u furaan.

Related posts

Guddi baaritaan oo heer sare ah oo loo saaray Wariye caan ah oo lagu dilay Kenya

Cabdi Cade

Saddex sababood oo dhaliyey dabka ka kacay dalalka qaarada Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Israa’iil oo shaaciyay in ay dileen taliyihii Milatariga kooxda Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---