Allbanaadir.com
NEWS

Taliye ciidan iyo askar la socotay oo khasaaro kasoo gaaray qarax lala eegtay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso, kaa oo lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay ex-koonratool ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa miino lala eegtay uu haleelay gaari uu la socday taliyaha ciidamada booliiska saldhigga degmada Carmo.

Qaraxa ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray taliyaha ciidanka Booliska degmada Carmo G/sare Axmed Koboc iyo qaar kamid ah askartii ilaalada u aheyd taliyaha qaraxa lala eegtay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino oo jugtiisa cusleyd sidoo kale dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo marayay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxa kaddib goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa muddooyinkan waxaa kusoo kordhayay qaraxyada miino iyo falalka kale ee amaan-darro, waxaana magaaladaasi dhibaatooyin ka geesta dagaalyahanno katirsan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo War kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaan hoos taga gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Iska horimaad khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---