Allbanaadir.com
NEWS

Istaraatiijiyada Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka oo laga shiray (Sawirro)

Kulan howleedka soo bandhigidda iyo wadatashiga Dib u eegista istaraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga la-dagaalanka fekirka xagjirka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tubsan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimaha hay’adda Tubsan, safiirada beesha caalamka, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, ATMIS iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Hay’adda Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu warbixiyay mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay soo bandhigidda wadatashiga istaraatijiyadda Qaran Ka hortagga fikirka Xagjirka ee rabshadaha wata.

Kulan sidoo kale waxaa ka hadalay danjirayaasha Caalamka u jooga dalka qaar ka mid ah ururada caalamiga ah iyagoo taageeray habsami u socodka la dagaalanka Argagixisada, dadaalka lagu bixinayo Nabadda iyo hormarinta lagu samaynayo deegaanadii laga xoreeyey Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey shirka Golaha wadatashiga & Axmed Madoobe oo..

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiir Saaxiib dhow la’ ah RW Rooble oo xildhiban loogu doortay Ceelwaaq

Caydiid Ali

Jen. Itoobiyaan ah oo la wareegay xilka taliyaha Ciidamada AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---