Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dilay Foos Aadan Nuur iyo faah faahino kasoo baxaya dilkeeda

Kooxo hubeysan oon heebtooda la garan ayaa xalay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku dilay haweeney kamid aheyd dadka deegaanka , waxa uuna dilkan cabsi badan ku beeray dadka ku dhaqan degmadaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeysan ay toogteen Foos Aadan Nuur oo kamid aheyd haweenka Caabudwaaq, dilka ayaa dhacay xilli haweeneydan kusii jeeday gurigeeda .

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in kooxda dilka geesatay ahaayeen burcad dooneysay in ay dhac u geestaan haweeneyda ay dileen, burcada ayaana dilka kaddib goobta si deg deg ah uga baxsaday si aan loo qaban.

Ciidamada booliiska degmada Caabudwaaq ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan burcadii dilka geesatay, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo laamaha amniga ee defgmada Caavudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaca & Qabiilka mid ka mid ah raggii isku qarxiyey Otto otto oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay Guddiga Wasiirro ah iyo shaqada loo xil saaray

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in dowladda Turkiga loo gacan gelinayo Wadaadka Fethuleh Gullen?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---