Allbanaadir.com
NEWS

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fadhida dhageysiga dacwad loo heysto eedeysanayaal maqanayaal ah oo ka tirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Cabduqaadir Cilmi Cali oo labaduba soo qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.

Waxaa kale oo ku jira eedeysanayaasha kala ah Muxyadiin Xasan Jurus oo ahaa agaasimahii waaxda Canshuuraha berriga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimahii guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Cabdalla Maxamed Axmed oo ahaa agaasimahii waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kusoo oogay eedeysanayaashaan in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq, Lunsasho Hanti dadweyne iyo ku tagri fal awoodeed, waxaana Maxkamadda gobolka Banaadir ay todobaadkii tagay xuriyaddooda dib ugu celisay laba ka mid ah eedeysanayaasha oo xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kala laabtay eeddii loo haystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo Shaaciyay Muddada Al Shabaab uga saari doonaan KG

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay inuu qorsheysnaa dilkii Gudddoomiye Dhegajuun & Mucaaradka oo..

Caydiid Ali

Wasiiro iyo Xildhibaano Baaq kasoo saaray xaalad adag oo ka jirta Gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---