Allbanaadir.com
NEWS

Heshiiski ku biirista Soomaaliya ee Ururka bariga Afrika EAC oo su’aalo laga keenay

Waxaa Magalada Mogadisho kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS iyo  Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda XFS Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal waxaana wahlinayay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa Mudane Abdisalaan Hadliye iyo Dr Yahie Yusuf Haji-Ali Xiriiriyaha Wasaardda iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamanka, Khuburo, agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay  Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS  Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, waxa goob joog ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Su’aallo waydiin ku saabsan Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa iyo wasiirkuba su.aalaha xubnaha guddiga ayaa ubadnaa Faaidoyinka bulshada soomaaliyeed uu uleeyahy hashiiskaan iyo  haddii ay jiraan wax dhibaata ah oo ugeysan karo ganacsatada soomaaliyeed,

Waydiimaha xubna Guddiga iyo Guddoonka waxaa mid mid ugu jawaabay Ergayga Gaarka ah ee bulshada Bariga Africa Mudane Abdisalaan Hadliye iyo Khuburadda ,agaasimayaasha lasocday.

Ugudanbeyntii Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Golaha Shacabka BJFS  Xil.Abdullahi Bidhaan Warsame, oo  soo xiray kulanka ayaa umahadceliyay wasiirka iyo ergayga khubarada lasocday iyo agaasimayaasha ka socday wasaaradda asigoona sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan kulan weynaha Golaha shacabka la horgeeyn doono si loo ansixiyo.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo telfoon kula hadlay Madaxweynaha Puntland

Cabdi Cade

Puntland oo Duq magaalo u magacawday Magaalo ay maamusho Somaliland (Akhriso)

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo bogaadin ugu tagay Ciidankii Ahlu Sunna ka saaray Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---