Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabad siiyay ayaa la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo shalay eedeysanaha ka soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa maanta diyaarad uga soo qaaday Magaalada Gaalkacyo oo xalay la geeyey.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa shalay galab gacanta ku soo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.
Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan ay ilaalo ka hayeen rag hubeysan oo aan tiradooda la shaacin, waxaana goobta laga soo qabtay ku hareereeyey ciidanka Booliska DF, kuwa NISA iyo ciidan beeleed is abaabulay oo gacan siinayey.
Soo qabashada ninkan baxsadka ah ayaa tinid ka dib kacdoon ay baraha bulshada sameeyeen qeybaha bulshada oo ka dhiidhiyey falka arxan darada ah ee uu ku gubay xaaskiisa oo uur u laheyd.