Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic goordhaw lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro ka dhashay

Tiro madaafiic ah ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho , waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin.

Dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha ayaa isbitaal loola cararay, waxaana aaga madaafiicda ku dhaceen ka dhacay kala carra iyo argagax badan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ka hadashay wiil Soomaali ah oo dalkaas lagu dilay

Caydiid Ali

Muxuu soo kordhiyey amarkii Xamse ku soo rogay shaqaalaha aan soo xaadirin ee DF?

Caydiid Ali

Daawo:-Dhalinyaro kufsi wadareed ka geysatay Galgaduud oo la xukumay & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---