Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo hal Shardi kaliya ku xiray wadahadal ay la galaan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno, haddii aysan ka laaban khaladkaasi ma jiri doono wadahadal” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee dowladda Itoobiya,wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo, balse aysan wax kale oggolayn.

Wuxuu madaxweynuhu xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul iyo dad badan, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa kasoo haroo dhan waa ka wada hadleynaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxayn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo wannaagga ku dhisnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo shaaciyay natiijada ka soo baxday howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

Caydiid Ali

Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay dalka Sweden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---