Allbanaadir.com
NEWS

Wiil la dhashay Taliyihii hore ee Nabad Sugida Qaranka oo Muqdisho lagu dilay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sida aan wararka ku helnay koox katirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna katirsanaa ciidanka NISA, dilkan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.

Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday taliska NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysaydilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlaga ciidamo badan oo dhar-cad ah kana tirsan hay’adda NISA, ciidankan ayaana inta badan wax ka bedelay ammaanka magaalada Muqdisho, i  oo mararkii hore dilalka ku badnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka iyo dalal kale oo ka walaacsan ciidamo halis ah oo la geeyay dalka…

Cabdi Cade

AMISOM oo heshay fursad ay ku sii joogto Somalia & Al-Shabaab oo bilowday..

Caydiid Ali

Shaqsiga ku guuleestay xilka Madaxweynaha Somaliland oo lagu dhawaaqay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---