Waxaa saakay xiran inta badan goobaha ganacsi ee kuyaalla gudaha suuqa weyn ee bakaaraha, kaddib markii ganacsatada dowladda kusoo rogtay bixinta lacago badan oo ganacsatada ka biyo diideen.
Bakhaarada ganacsi iyo goobaha kale ee dukaamada kuyaalla suuqa Bakaaraha ayaa saakay xiran, waxa ayna ganacsatada suuqa sameeyeen isku soo bax ay uga cabanayaan xirnaashaha suuqa iyo lacagaha canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.
Qaar kamid ah ganacdatada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay bixiyaan canhuurtii ku waajibtay, waxa ayna xuseen in ay arkayaan dhallinyaro hubeysan oo wata qunfulo kuwaa oo lacago weediinmaya haddii aysan bixina goobahooda ganacsi ka xiraya.
Waxa ay sheegeen ganacsatada in aysan garaneyn halka ay ka socoto lacagtan cusub ee laga rabo, waxa ayna ugu baaqeen madaxda dowladda Soomaaliya in ay si deg deg ah uoo faragaliyaan waxna uga qabtaan cabashada ay qabaan.
Dowladda ayaan wali ka hadlin cabashada kasoo yeertay ganacsatada Suuqa Bakaaraha , sidoo lale lama oga ilaa hadda sax ahaanshaha canshuurtan cusub ee lagu soo togay ganacsatada iyo waxa ay kaga duwan tahay canshuurta caadiga ee ganacsatada bixido.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com