Taariikhda waa markii ugu horeysey oo Soomaaliya ay siyaasadda uga adkaato Itobiya, waxaana mahadaas iska leh Maadaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud oo dagaal diblomasiyadeed la galay dowladda Itobiya, waxaana dadaaladiisa isdaba jooga ah ka dhalatay guulo siyaasadeed oo go’doomisay siyaasadda dibedda Itobiya, waxeyna taas ay caalamka tustay habdhaqanka siyaasadeed ee foosha xun ee siyaasadda Itobiya ay derisnimo xumada ugu dhaqmeyso, taas oo muraayad ay caalamku ka arkaan u noqotay maamulxumada ka jirta gudaha dalka Itobiya oo horudhac horseeda u ah burburka ku soo socda Itobiya, taas oo ay ka dhalaneyso kala madaxbanaanida qowmiyadaha itobiya oo hiigsigoodu yihiin iney noqdaan dalal kala madaxbanaan.
Itobiya oo uu dhaawac siyaasadeed uu ka soo gaarey duulaanka gardarada ah oo ay ku soo qaaday ku xadgudubka madaxbanaanida iyo wadajirka midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh wuxuu beeniyey ooraahdii Xayle Salase uu ku yiri isagoo Soomaalida u goodinaya “Soomaaliya nooma heli karto wiil siyaasadda nooga adkaan kara, anaguna uma heli karno wiil geesiya oo dagaalka uga guuleysan kara,” waxaana hadda harsan meelmarinta wajiga dagaalka oo ay itobiya aaminsan tahay ineysan wax guula aysan kala rogmaneyn haddii ay dagaal ku soo qaado dhulka Jamhuriyadda Soomaaliya.
Runti waxaa wanaagsanaan lahayd in la isku dayo wadahadal in lala galo Itobiya kadib markii ay Itobiya ku dhawaaqday iney qaadaneyso qeyb ka mida biyaha Soomaaliya, taas oo ahayd in dowladda Soomaaliya ay wefdi u dirto Itobiya si ay gardaradeeda dib uga joojiso oo ay ku qanciso xiriirka derisnimo wanaaga iney dhowrto, wixii markaas kadambeeyaana ama ay Itobiya ku qaanacdo iney ka noqoto xadgudubkeeda ama ay diido oo sidaas ay u dhacdo in meesha looga saaro qiilka ay cuskanayaan oo ah afka aan eedeynta lahayn ee ka soo yeeraya ururada Igad, AU, EU, iyo UNka oo dhamaantood ku wada baaqaaya wadahadal nabadeed in xiriirada labada dal lagu wanaajiyo, iyadoo wadan walba uu dhowrayo madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal walba uu leeyahay.
Hadaladaas ka soo yeeraya ururada caalamka oo ay kaga weji dadbanayaan iney si toosa u cambaareeyaan xadgudubka Itobiya ayaa waxaa ka muuqata iney tebeyaan iney jirtoo fursad loo baahna iney soo maraan wadamada xiriirkoodu xumaaday inta aan loo gudbin cambaareyn toosa oo qaawan, taas oo ah in fursad la siiyo jawi lagu wada hadli karo oo haddii markaas kadib ay dhacdo in wadan uu caqabad ku noqdo heshiis nabadeed oo ay wada gaari lahayeen labada dal in wadanka ay ka socon weyso ixtiraamka madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka kale ay la kulmayaan ciqaab caalamiya oo soo deg degta, balse taas oo aan dhicin cidina kuma dhiiran karto iney ciqaabto dalka lagu tuhmayo inuu ku xadgudbey midnimada, madaxbanaanida, iyo wadajirka dhuleed ee wadan kale, waxaana arrinta sii dheereynaya Itobiya oo markasta ku celcelineysa iney diyaar u tahay wadahadal lagu haagaajinayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.
Fursadaas Soomaaliya waa ay u furneyd inta aysan bilaabin dagaalka diblomasiyadeed, balse waxaan filayaa falcelinta shacabka Soomaaliyeed oo dhacdadaan la kowsatey oo aad u xoogganeyd iney argagax gelisey madaxweynaha Soomaaliya oo haddii uu xadgudubka Itobiya ku bilaabi lahaa wadahadal ay indhaha shaacabka isaga ku soo jeesan lahayeen, waxeyna taas ay u muuqan lahayd inuu heshiiska dhul boobka Itobiya loo arki lahaa inuu wax ka og yahay ama lagu sunti lahaa inuu si dadban u gacan siinayo rabitaanka Somaliland, si kastaba ha ahaatee fursadaas waxey ku habooneyd in la tijaabiyo iyadoo aan wax gorgortan ah laga geleyn wax ku saabsan dhulka, biyaha, iyo hawada Soomaaliya.
Taariikhda Soomaaliya iyo Itobiya u dhexeysa waxey xuseysaa in March 20, 1977 ay magaalaada Cadan ee dalka Koofurta Yemen ay wadahadal ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maj. Gen. Maxamed Siyad Bare (AUN) iyo Lit. Col. Mengistu Hayle Mariam, waxaana wada hadalkoodii dhexdhexaadinayey madaxweynaha Cuba Fedel Castro iyo Madaxweynaha Koofurta Yemen, Salem Robaye Ali, waxaana markii dambe gadaal uga soo biiray madaxweynaha Ruushka, Pedgorni oo madaxweynaha Soomaaliya Muqdisho kula kulmay, waxeyna wadahadalkaas ay dhacayeeen iyadoo Itobiya ay ku eedeyneyso in dhulkeeda qeybo ka mida ay Soomaaliya xoog uga qaadatay, gaar ahaan dhulka Soomaalida Galbeed.
Sidaas si la mida waxey taariikhdu xuseysaa in January 1996 ay magaalada Jabuuti ay wadahadal ku yeesheen Siyad Bare iyo Mingistu, waxaana wadahadalkooda dhexdhexaadinayey raisulwasaaraha Talyaniga Bettino Craxi iyo Madaxweynaha Jabuuti Hassan Gouled Apptidon (AUN), waxeyna dowladda Talyaniga ay ku bixisay lacag badan si labada madaxweyne ay u heshiiyaan oo lacagtaas faraha badan ay u kala qeybsadaan, wuxuuna wadahadalkaas uu ku soo aadey iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeyneyso dowladda Itobiya iney xoog uga haysato qeybo ka mida degmooyinkeeda, gaar ahaan Balanbal iyo Galdogob, waxeyna labadaas wadahadal ay u dhaceen shuruud La’aan.
Wadahadaladaas midka hore wuxuu noqday mid ku soo dhamaaday fashil kadib marka ay Soomaaliya ka biyo diidey qodobada heshiiska oo ahaa iney ka baxdo dhulka ay Itobiya ka qabsatay ama ay ogolaato in nidaam federala lagu mideeyo labada dal, kadibna waxaa la ciqaabay Soomaaliya oo la burburiyey ciidankeeda, dibna looga soo saaray dhulkii ay qabsatay, kadibna loo diidey hub iney ka iibiyaan xulafooyinkii rerr galbeedka ee NATO iyo kuwii reer Bariga ee Warsow, taas oo ugu dambeystii horseeday burburkii ku dhacay dowladdi mileteriga ee ka talineysey Soomaaliya, meesha wadahadalka dambe uu noqday mid miro dhalay oo lagu guuleystey kadib markii ay labada dal wada galeen 1988 heshiis lagu caadiyeynayey xiriirka labada dal, waxaana guushaas soo dedejiyey abaarti ba’nayd ee ku dhufatay Itobiya oo markaas si xoog leh ugu baahnayd lacag adag oo ay raashin ku soo iibsato, waxaana xusid mudan in waxtarka uu heshiiskaasi lahaa ay ahayd in labada dowladoodba ay wada dhaceen iyagoo labada dal ay heshiis ahaayeen.
Taariikhdaas waxaan ka baraneynaa iney lagama maarmaan tahay in la isku diyaariyo wadahadal lala galo Itobiya, iyadoon wax tanaasula laga geleyn madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuriyadda Soomaaliya, taas oo qasab ka dhigeysa haddii ama u dhaco dagaaal dhiig ku daato ama haddii uusan dhicin in labaduba ay ku soo dhamaanayaan wadahadal ay dhexdhexaadiyaan wadamo kale, sidaas daradeedna loo baahan yahay in wixii aan la hureyn in horay loo sii qabto, isla markaasna aan loo baahneyn in wax shuruuda lagu xiro wadahadal lala galo Itobiya oo ay heysato aafooyin ay qarka ugu saran tahay iney dunto oo ay kala tagto, waxaana wadahadalka lala gelayo Itobiya saldhig u ah caadiyeynta xiriirka labada dal oo qasbaya in Itobiya ay ka noqoto heshiiskii waxyeeleeyey xiriirka labada dal.
Soomaaliya waxaa la gudboon iney ka gudubto dalbashada ay Itobiya ka dalbaneyso iney raaligelin ka bixiso xadgudubka ay kula kacday madaxbanaanida Soomaaliya iyo midnimada wadajirka dhulka Jjamhuriyadda Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay in la ogaado inuusan jirin dal qiranaya inuu isfashiliyo ama uu isku sameeyo wejigabax tirtiraya sumcadooda, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa Mareykanka dhibaatada uu u geystey Shacabka Soomaaliyeed 1993 ama gacansiinta uu ku taageeray Israil oo xasuuq joogto ah u geysata shacabka Falastin ama gacansiintisii uu ku garab siinayey xukunkii midab takoorka ahaa ee ka jirey wadanka Koofurta Afrika oo si bahalnimo ah loogu xukumayey shacabka Koofur Afrika oo ilaa iyo hadda aan joogno Madaxweyne Nelsen Mandela uu weli ugu jiro liiska argagixisada.
Sidaas daradeed ayaa waxaa looga baahan yahay madaxda Soomaaliya ineysan wakhti isaga dhumin in Itobiya ay garawsato xadgudubka ay kula kacday Soomaaliya oo ay ka bixiso raaligelin, balse ay Itobiya ku qasaban tahay iney u soo geed fariisato wadahadaal lagu dhameynayo xadgudubka ay geysatey, waxaana loo baahan yahay in Soomaaliya aysan u muuqan dal siyaasadda markasta looga adkaan jirey oo maanta keliya maarkii ugu horeysey ku adkaadey, sidaas daradeedna ay taas ka ilduufiso iney ku fogaato diidmo macangeg ah oo haddana Soomaaliya ay isla markaas ka mariin habaabiso iney ka caano maasho guulihii ay ka soo hoysey dagaalka diblomasiyadeed oo ay la soo gashay Itobiya, taas oo ay si hordhaca uga guuleysatey, gar hiilana uga heshay ra’yiga caalamka iyo weliba taageerada garabistaaga fagaareyaasha lagu kulmo caalamka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com