Allbanaadir.com
NEWS

Golaha shacabka oo kulan yeeshay & dooda qodob xasaasi ah oo bilaabatay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.

Waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arrimaha  siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Waxa lagu soo hadal qaaday kulanka dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadu soo jeediyeen in Baarlamaanka la horkeeno wixii heshiis ah oo ay Xukuumaddu soo gasho iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xiray fadhiga maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaamaanka 11-aad intuu jiray wax badan uu qabtay, waxaana uu xusay in maalinta Arbacada ah xili hore la yimaado si loo dhameystiro dooda ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Related posts

Maraykanka & Taliban oo Wadahadal toos ah isku soo hor fariistay

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Bangiga Itoobiya oo shaaciyay magacyada dad badan oo aan soo celin lacago ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---