Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo difaacay Boqortooyada Sacuudiga oo cadaadis xoogan saaran yahay

Dowlada Sacuudiga ayaa cambaareyn xoogan iyo cadaadis kala kulmeysa dilka la tuhmayo in ay u geesteen Wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu dambeesay lagu dhax arkay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay cadaadiska iyo eedeynta sii kordheysa ee loo jeedinayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.

Waxa uu sheegay Trump in eedeynta loo soo jeedinayo boqortooyada ka hor inta aan xaqiiqada la ogaan ay tahay mid muujinaysa kiis kale oo ah in iyada oo aan la cadayn dambiga lagu qirayo.

Madaxweyne Trump ayaa eedeemaha Sacuudiga loo jeedinayo barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

Donald Trump ayaa sheegay in kiiska Wariyaha la waayay uu kala hadlay dhaxal sugaya Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna xusay in Dhaxalsugaha u sheegay in ay socdaan baaritaano uuna dafiray in uu wax ka ogaa kiiska Wariyaha la waayay.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya xili Boqortooyada Sacuudiga uu heysto cadaadis xoogan oo ku aadan kiiska Wariye Jamal oo la tuhmyo in lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga, waxaana Madax badan cadaadis saarayaa Sacuudiga si dambiga u qirato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Dab saaka ka kacay Magaalada Kismaayo & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DF iyo Culimada Soomaaliyed oo War ka soo saaray arrinta Masaajidada Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---