Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay culuma’udiin Soomaaliyeed ee isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaas oo u taagan faafinta diinta Islaamka.
Culumadan tabliiqa ah oo Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga.
Munaasabada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay culumaa’udiinkan Soomaaliyeed ayaa laga jeediyay khudbado u badnaa soo dhaweyn iyo u mahad-celin culumada Soomaaliyeed ee u taagan fidinta iyo faafinta diinta Islaamka.
Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka , taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, guddoomiye Ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com