Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay qodobo la xiriira.. (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Jubaland Arnaud Laloum iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka  ayaa lagaga hadlay arrimaha bini’aadanimada, Dooroshooyinka dalka iyo iyo tageerada Qaramada Midoobay ee dib usoo kabashada kaabayaasha ku burburay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kulankan isagoo hadalkiisa ku bilaabay.

“Waxan maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Jubbaland Arnaud Laloum iyo wafdi uu hogaaminayo”

“Kulankaan ayaa kaga wada  hadalnay, arrimaha bini’aadanimada, Dooroshooyinka dalka iyo iyo tageerada Qaramada Midoobay ee dib usoo kabashada kaabayaasha ku burburay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Jubaland”

Related posts

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in fal aad u xun sameeyay

Cabdi Cade

Beesha Murusade oo Xoolo badan geysay Hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Duqii Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “In maanta Jufo ay xoog ku raadiso xil ummadeed waa nasiib daro”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---