Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Macalin Mahdi oo u hanjabay ninkii xaaskiisa dilay iyo dadkii fakuyay dilaaga

Taliyaha ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir Macalin Mahdi Maxamed ayaa ka hadlay baadigoobka ciidanka booliiska ugu jiraan ninkii xaaskiisa ku gubay kuna dilay magaalada Muqdisho.

Macalin Mahdi ayaa sheegay in booliiska wadaan raadinta Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ah gacankudhiiglihii dilay xaaskiisa, waxa uuna sheegay taliyaha in booliiska soo qaban doonaan cid kasta oo dilaaga gacan ku siisay in uu baxsado.

“Asaga, ciddii fakisay, kii gaariga ku qaaday, kan meesha uu jooga ku haya, intaba waa la soo qabanayaa, sharcigana waa la horkeenayaa, xataa kaligii lama soo qabanaayee, markuu imaanaayay gaaribuu watay, gaari buu ku baxay, Xamar gaari buu uga tagay, kuwa hadda haaya oo meeshuu jooga ku haayana waa lagu soo qabanayaa in shaa Allaahu” ayuu yiri taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in rejo ka qabaan in gacanta lagu soo dhigo ninka dilka argagaxa leh geestay, waxa uuna xusay in uusan ninkaasi marnaba caddaalada ka baxsan doonin lana marsiin doono ciqaabta dambigii uu galay.

Booliiska Soomaaliya ayaa abaal-marin lacageed dul dhigay madaxa ninka dilaaga ah ee la baadigoobayo, waxaana booliiska lagu cadaadinayaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkan geestay dilka dad badan aad uga naxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Dhaqan Celinta Shabaabka soo goosta oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Cabdi Cade

Jawaari oo Jid u Bixiyay Dooddii Doorashada Soomaaliya ee Qof iyo Cod

Cabdi Cade

Hadakii Ra’isul Wasaare Kheyre oo Jug culus ku noqotay Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---