Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Booliis ah oo lakala dhax dhigay Maleeshiyaad dagaal uu dhax maray (Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska maamulka Hirshabelle ayaa lakala dhax dhigay labo maleeshiyo beeleed oo dhawwaan ku dagaallamay deegaano hoostaga degmooyinka Ceelbaraf iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Guddoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo ay wehliyaan saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ku baxay daminta colaada labada maleeshiyo beel u dhaxeysay, waxa ayna ugu dambeyn ka shaqeeyeen in ciidamo lakala dhax dhigo labada maleeshiyo.

Maleeshiyaadkii kasoo kala jeeday Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan ee ku dagaallamay xadka labada gobol ayaa lakala qaaday, waxaana dib u furmay isku socodkii labada gobol iyo sidoo kale ganacsigii ka dhaxeeyay.

Dagaalka dhax maray labada maleeshiyo beeleed ayaa dhaliyay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana xusid mudan deegaannada labada maleeshiyo beeleed ku dagaallameen horey looga saaray kooxda Al Shabaab oo sannado maamuleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay dad hor leh oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo lagu dilay degaan hoos taga gobolka Galgaduud

Caydiid Ali

Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-adxaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---