Waxaa soo baxaya fahfaahino ku saabsan talaabadii uu Mareykanku ku duqeeyay 85 bartilmaameed oo ku yaalla dalalka Ciraaq iyo Siiriya isagoo ka jawaabaya weerarkii lagu hoobtay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Axaddii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay dallad maleeshiyaad ah oo ay taageerto Iiraan in ay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah 40 kalena lagu dhaawacay.
Dowlada Suuriya ayaa sheegtay in 25 qof oo shacab ah ay ku dhinteen qaar kalena kuna dhaawacmeen duqeymaha, waxayna sidoo kale sheegtay in qabsashada Mareykanka ee dhulka Suuriya aysan sii socon karin.
Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymahaasi, ayna ku dhaawacmeen 25 kale. Baqdaad waxa ay sidoo kale ku eedaysay Maraykanka inuu Ciraaq iyo gobolka geliyey qalalaase weyn.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehran ayaa “si adag” u cambaareeyay duqeymaha Mareykanka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah “madax bannaanida iyo xornimada dhuleed” ee dalalka la weeraray.
Iyadoo aan si toos ah looga hadlin falka, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay ka fogaadaan “dagaal ka qarxa” Bariga Dhexe