Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka al shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga al shabaab.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey,

Waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan talisyadda Ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini’aadanimadda lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.

Related posts

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo ka hor timid in Sacuudiga Xayiraad dhinaca hubka la saaro

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qab qabtay burcad hubeesan

Cabdi Cade

Israel oo ceyrisay diblomaasiyiin reer Galbeed ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---