Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo hal arrin kala hadlay ciidanka Baraha laga ilaaliyo Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeeray baraha kontorool ee laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo.

Laftagareen ayaa sidoo kale kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo uu ka dhagaystay Warbixin ku saabsan howlaha Amniga.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga KGS, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Waxaa Ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka al Shabaab, isagoo warbixin ka dhegeystay saraakiisha ku sugan goobahaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Ciidamada Dowlada oo weeraray guri uu Muqdisho ka degan yahay Sargaal Ciidan

Cabdi Cade

Naqshada cusub ee lacagta ay soo daabaceyso dowlada Somalia oo la soo bandhigay(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Baydhabo ku guddoomiyay shir 5 qodob looga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---