Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaankii Damiinta ka ahaa ninkii gubay xaaskiisa oo Warbaahinta la hadlay

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ku guuleysan soo qabashada ninkii xaaskiisa sida arxan-darada ahaa u gubay una dilay , waxaana laamaha ammaanka lagu caadinayaa soo qabashada ninkaasi.

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ahaa ninkii damiintay ninka gacankudhiiglaha ah oo ka shaqeenayay gareenka Aadan Cadde ayaa falkaasi si kulul u cambaareeyay, waxa uuna xildhibaanka sheegay in ay ka xun yihiin dhibka uu ninkaasi xaaskiisa u geestay.

Laamaha ammaanka ayuu ugu baaqay xildhibaanka soo qabashada ninkaasi naxariis laawaha ah, isaga oo caddeeyay in ehelka ninkaasi iyo isaga qeyb ka yihiin baadigoobka loogu jiro ninkaasi si caddaaladda loo horgeeyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isagu damiin ka ahaa shaqada garoonka Aadan Cadde uu ka shaqeenayay ninkaasi dilaaga ah, waxa uuna xusay in damaanada shaqada iyo fal dambiyeedka qofka gurigiisa ka geesto aysan shaqo isku laheyn.

Dilka laga wada argagaxay uu ninkan u geestay xaaskiisa oo xaamilo aheyd ayaa dhalisay cambaareyn xooggan, waxa ayna bulshada Soomaaliyeed codsanayaan in ninkaasi lasoo qabto lana horgeeyo caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay sadex dal

Caydiid Ali

Soomaaliya oo 32 sanno kaddib ka qeyb gashay Shirka Global Payment Week

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo goordhaw isaga baxay Dhuuso Mareeb iyo xog ku aadan halka uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---