Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israa’iil oo duqeymo ka fuliyay magaalo ku dhaw xadka dalka Masar

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha naxariis darada ah ay ku garaacayaan deegaannada dadka shacabka ah ku sugan yihiin, iyaga aan kala sooceyn shacab iyo dagaalyahanno.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa shalay oo Jimco aheyd duqeeyay xeryo qaxooti oo dadka kasoo barakacay magaalada Gaza kaga sugnaayeen meel ku dhaw magaalada Rafax ee kutaalla xadlka dalka Masar.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo tabinayaa in ay ka dhasheen duqeymaha ka dhacay magaalada Rafax, waxa ayna duqeymaha wel wel cusub ku beereen dadka kasoo qaxay magaalada Gaza ee halkaasi gabaadka ka dhiganayay.

Shacab aad u badan oo ka qaxay magaalada Gaza ayaana ku sugan magaalada Rafax iyo deegaanno hoos taga, waxa ayna shacabka halkaasi u tageen sidii ay uga bad baadi lahaayeen weerarada ciidamada Israa’iil.

Wasiirka difaaca maamulka Israa’iil Yoav Gallant ayaa horey u sheegay, in ciidankiisu ay hadda cirib-tiri doonaan wax uu ku sheegay canaasir argagixiso ah oo ku sugan magaalada Rafax iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray guriga Masuul katirsan maamulka Jubbaland

Cabdi Cade

Walaac laga muujiyay Heshiiskii ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Cabdi Cade

Dhageysiga dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya galabta la soo gebagabeeyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---