Allbanaadir.com
NEWS

Nin Xaaskiisa si arxan darro ah ugu dilay Qoryooley iyo dilaaga oo la qabtay

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi galabta nin uu si arxan-darro ah ugu dilay xaaskiisa, kaddib khilaaf qoys oo lamaahan soo kala dhax galay.

Sida aan wararka ku helnay ninka gacankudhiiglaha ayaa xaaskiisa dilkeeda u adeegsaday toorey af badan, waxaana la sheegay in dhowr meel oo halis ah uu ninkaasi gabadha tooreyda ugu dhuftay  sidaasna ugu geeriyootay.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa si deg deg ah gacanta ugu dhigay ninka dilka geestay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan xaaskiisa gowraco.

Dilkan laga argagaxy ayaa imaanaya xilli maanta la hadal hayay geerida hooyo korsaneysay lix carruur oo agoon ah , hooyadaas ayaana u geeriyootay dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay una laheyd uur lix bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Weerar ku qaaday madaxda dalka kana horyimid go’aannadii golaha…

Cabdi Cade

Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay Salaad Janaaso oo lagu dukay Marxuun Xildhibaan Axmed Mayow (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin fal aad looga carrooday ka geestay magaalada Garawe oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---