Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday qarax ka dhacay Nairobi (Sawirro)

Qarax gaas ah oo sababay dab sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 200 oo kale ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay, waxaana uu qabsaday shirkad soo saarta gaaska, taasoo dhismaheeda uu burbur xooggan soo gaaray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Isaac Mwaura.

Dabka ayaa waxa uu qabsaday bakhaar dhar oo ka ag dhawaa, halka uu burburiyay gawaari badan iyo hanti ganacsi iyo guryo, sida uu ku sheegay hadal uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Natiijo ahaan, laba qof oo Kenyan ah ayaa si murugo leh u naf waayay intii lagu daweynayay isbitaalka Nairobi West Hospital,” ayuu yiri Mwaura oo intaas ku daray in 222 qof ay ku dhaawacmeen dhacdada.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in qeybaha kala duwan ee gargaarka degdegga ah ay 271 qof seexiyeen isbitaallada Nairobi.

Goobta uu dabku ka kacay ayaa waxaa ka muuqday maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan oo buste huwan, halka uu qiiq ka baxayay dhawr guri oo gubanaya oo ka ag dhawaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya Gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayadoo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Related posts

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia jooga (ATMIS) far baa ku godan.!!

Caydiid Ali

Iran iyo Biljimka oo is dhaafsaday maxaabiis ay kala heesteen iyo dowlad Carbeed oo ka shaqeysay

Cabdi Cade

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---