Allbanaadir.com
NEWS

Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeedu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay

Luul Sheekh Cabdicasiis oo ahayd gabar xaamilo ah oo ninkeedu ku gubay dhawaan magaalada Muqdisho ayaa saaka ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer sida ay sheegeen eheladeeda

Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo ay walaalo yihiin Luul ayaa xaqiijiyey geerideeda isagoo xusay in salaadii subax ka dib ay u geeriyootay dhaawacii darnaa ee ka soo gaaray gubashada dabkaas.

Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo oo ka dhaxeeyay.

Wararka qaar oo laga helay dadka deriska ayaa sheegaya in falka dilka hor ay lamaanahan isku buuqeen arrimo la sheegay iney salka ku hayeen maseyr ama hinaase

Seygeeda oo magaciisa lagu sheegay Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga.

Marxuumada ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaawaceeda lagula tacaalayey Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho qaybta xaaladaha culus.

Falkaas oo ahaa mid argagax leh ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii ninkeeda nolosha ku gubay.

Afhayeenka ciidanka Booliska DF Gaashaanle Saadaq Doodishe ayaa sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qol, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa uu ku baxsaday.

“Falkaan marka uu dhacay ka dib ayaa dadkii deriska la ahaa ama goob-joogeyaashii ama ciidamada ammaanka gaar ahaan saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynleey falkaas ku baxay, wixii ugu horreeyay ee awoodda la iskugu geeyay ayaana ahaa in hooyada la badbaadiyo,” ayuu yiri gaashaanle Doodishe oo intaas ku daray iney ku raad joogaan ninka falka geystay, ayna soo taagi doonana sharciga.

Related posts

Xildhibaan kamid noqonaya golaha Shacabka oo goordhaw la doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala haday Wasiir Anders Hall (Sawirro)

Cabdi Cade

Mahad Salaad: “Farmaajo & Khayre taariikh madow ayay u horseedeen Soomaaliya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---