Allbanaadir.com
NEWS

Qaar ka mid ah barihii DF sheegtay in laga xiray Al-Shabaab oo weli shaqeynaya

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay maalmo ka hor ku dhawaad 20 Website oo ay sheegtay in ay ka xirtay kooxda Al-shabaab kuwaasoo baahin jiray dacaayadaha iyo wararka kooxdaas

NISA ayaa sheegtay kuwii ugu waaweynaa Websiteyada oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda la xiray

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan al Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, in gabi ahaanba uusan jirin bog ay leeyihiin al Shababa oo shaqaynaya.

Hase ahaatee saacado ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista Websiteyadaas, ayaa waxa ay al Shabaab hawada soo geliyeen webisteyo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

Sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaradda warfaafinta dawladda fedaraalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, dawladdu waxay Alshabaab kula jirtaa “dagaal aan kala har lahayn.

“Mid ka mid ah dagaalkaasna waa in la joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka ay dadka Soomaaliyeed ku marrin habaabiyaan ama ku cabsi geliyan ama ay maskaxdooda ku qaldaan,” ayuu yiri wasiir al-Cadaala.

Wasiirka oo ka hadlayey sababta ay wali u sii shaqaynayaan website cusub oo ay leeyihiin al Shabaab iyadoo saacado ka hor ay dawladdu sheegtay in ay hawada ka bixiyeen ayaa sheegay iney muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo waana shaqeeyay waana la dhamaystiray, dad xirfadleyaal ah ayaa u xilsaaran, ayuu wasiir Cadaala.

Related posts

Shaqsigii bixiyey qishka Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la shaaciyey, lana xiray

Caydiid Ali

Maraykanka oo daad gureeyey shaqaalihiisa Safaarada uu ku leeyahay Rangoon

Caydiid Ali

Madaxweyne hore iyo Siyaasiyiin Caan ah oo qaatay Shahaado Musharaxnimo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---