Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Boliska Somalia oo mar kale ku celiyey in ugu dambeyn Arbacada soo socota..

Boliska Soomaaliya ayaa markale ku celiyey in kama danbeys Arbacada soo socoto laga guuro Dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliska oo ku yaalla gobolka Banaadir gaar ahaan ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano.

Dhulkan oo ay degan yihiin boqolaal qoys oo ka soo jeeda beesha habar gidir ayaa qalalaase abuuray ka dib markii qoysaskii halkaas degenaa ay diideen iney ka baxaan waxaana dhamaatay labo bilood oo horey loogu qabtay.

Mashaqada ka taagan dhulkan ayaa sababtay in ciidanka Booliska ay dilaan qof ka mid ah dadka degaanka ka dib rabshado iyo dibed baxyo halkaas ka dhacay todobaadkii hore, iyadoo markii dambe ay soo fara geliyeen xildhibaanada habar gidir gaar ahaan beesha Sacad oo dadka halkaas degan u sheegay iney xal u raadin doonaan.

Afhayeenka ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Waxaa lagu heshiiyey taliska Booliska iyo dadka deegaanka dadkii ay soo dirsadeen in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo ku ekeyd maalintii uu waqtiga ka dhacay oo shaqaadadu ay dhacaysay, xilliga lagu ballamay ayaa ah in shaqaaqada halkaas ku dhammaato, dadka guryaha degan ee ku haray waxaa la gaarsiiyey in taliska ciidanka Booliska uu siiyey laba isbuuc oo kale.”

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa waxa uu ku sii daray, “Isbuuc wuu dhammaaday waxaa soo haray hal isbuuc oo ku ek maalinta Arbacada ee soo socota.”

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dadka degan dhulkaan ay dhammaatay muddadii loo qabtay ayna u hartay wax ka yar todobaad, isaga oo ka codsaday in ay ugu guuraan muddadii loo cayimaday in ay ku guuraan.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Cabdi Cade

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shir looga hadlayo arrin muhiim ah ka furay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo caawa kormeer kedis ah ka sameeyey Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali