Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Shirka Golaha Wasiirrada xukuumada Somalia ee caadiga ahaa ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirkaas.

Golaha Wasiirrada shirkooda oo ahaa kii todobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka al shabaab iyo ka mira dhalinta Siyaasadda loo dhan-yahay.

Golaha ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ka dhagaystay Wasiirka amniga iyo taliyayaasha ciidanka qalabka sida, iyagoo ka war-bixiyay xaaladda guud iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay degaanka Soomaalida Kenya

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loogu Damaashaay Xaafada Daaru Salaam ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---