Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Hargeysa ayaa baadigoob ugu jira saddex dumar ah oo ku eedeysan in jirdil iyo sumcad dil u geesteen nin dhallinyaro ah oo ay guri ku ballamiyeen.
Afar haween ah oo Hargeysa degan ayaa lagu eedeeyay in ay jirdil u geesteen nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cayduruus Cali, waxaana ninkan guri ku ballamisay gabar la sheegay in xiriir wada sheekeysi kala dhaxeysay.
Booliiska ayaa howlgal ay sameeyeen horey ugu soo qabtay Hoodo Cabdi Cali oo 28jir ah, gabadhan ayaana la sheegay in ay aheyd qofkii ninka la jir dilay lagana duubay muuqaalka guriga ku ballamisat.
Ciidamada ayaana hadda raadin ugu jira saddex dumar oo kale oo qeyb ka ahaa jirdilka ninkan loogu geestay guri kuyaalla magaalada Hargeysa, haweenka la raadinayo ayaana la sheegay in ay ku jiraan baxsad.
Ninka dhibka loo geestay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guri ku ballamisay gabar ay is garanayeen, waxa uuna xusay markii uu guriga tagay in jirdil lagu bilaabay sidoo kale muuqaal laga duubay isaga oo qeybo kamid ah jirkiisa dhar la’aan yihiin.
Dhacdooyinka nuucan oo kale ah ayaa horey uga dhacday magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa ay haweenka qaar ku doonayaan in ay ku bahdilaan ragga xiriirka kala dhaxeeya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com