Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ku hanjabay inuu ka jawaabi doono dilka askartooda iyo Iran oo ku …

Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadi shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq.

Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka, ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu rumeysanyahay in weerarkaasi looga jawaabo qaab ku habboon.

Wuxuu sheegay, in madaxweyne Biden uu ka fiirsanayo ikhtiyaarrada uu heysto si uu jawaab uga baxsho weerarka lagu dilay askarta Mareykanka ee ku sugnaa dalka Urdun.

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo uu uga yimaada Mareykanka, kaddib marki ay Washington ku eedeysay Tehran weerarki Axaxddii.

Ilaa 40 ka mid ah askarta Mareykanka ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay. Kuwa la dilay iyo dhaawaca ah ayaa ku sugnaa saldhig qarsoodi ah oo uu Mareykanka ka sameystay jihada waqooyibari ee Urdun meel aad ugu dhaw xadka Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun dil ah oo lagu riday Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo Dambi culus lagu helay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan Wadareedka Dardar Galinta Hiigsiga Xukuumada Jubbalad oo la daahfuray (Sawirro)

Cabdi Cade

Hoggaamiye Xi Jinping oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweyey Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---