Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Soomaaliya oo hawada ka saaray Websetyadii Al Shabaab wararka ku baahin jireen

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in dalka iyo dibaddiisa ay ka xirtay Website-yadii ugu waa weynaa ee kooxda Al Shabaab ku baahin jireen wararkooda marin habaabinta ah.

Qoraal kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in gabi ahaan hawada ka saareen 14-webset oo kooxda Al Shabaab lahaayeen, kuwaa oo inta badan lagu baahin jiray wararka kooxda Al Shabaab .

Dowladda ayaana horey gudaha Soomaaliya uga xirtay in laga daalacdo websetyada kooxda Al Shabaab, waxa ayna hada gabi ahaan hawada ka saartay websetydaasi oo waddamada caalamka laga akhrisan jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay xiisadii colaadeed ee saaka ka jirtay Magaalada Garoowe?

Caydiid Ali

Kulan xasaasi ah oo u socda Xassan Shiikh & Erdogan (Sawirro)

Caydiid Ali

Rakaab ku dhax hurday Diyaarad ay la socdeen oo laga xaday alaabo qaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---