Waxaan arka Garowe 1, 2, 3…. oo meesheedii ka bilabanaysa, wuxuuna bartilmaameedku yahay inaan waxba laga bedelin dastuurka ay dhibaatadiisu ka soo bilaabatay Garowe 1, 2, 3 oo ay soo abla’ableeyeen Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Abdirahman Faroole, dowladda dhexe oo ay kala hogaaminayeen Raisul wasaare Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo Madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, mamulkii Tigreyga ee uu hogaminayey Meles Zenawe, iyo Mahiga oo hogaaminayey xaafiiska UNka, wuxuuna mashruucaas ku kacay 50 malyan oo Dollar oo ku soo dhamaaday hirgelinta qabyo qoraalka dastuurka oo ay ansixiyeen dad suuqyada laga soo kaxeystay, balse dadku ay u arkayeen buundo muhiim u ah in looga guuro kmg dowladda.
Gogosha ay dhigtay Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo ay ku casuntey madaxda dowladda dhexe oo ay kala hogaaminayaan raisulwasare Mudane Xamze Cabdi Bare iyo madaxweyne Mudane Dr Hassan Sheikh Mahamud ayaa ku soo aadaya xili loo balansan yahay in dastuurka lagu sameeyo wax ka bedel si loogu saleeyo inuu noqdo heshiis guud oo ay ku wada mideysan yihiin metelaada ummadda Soomaaliyeed oo dhan, iyadoo Puntland ay dooneyso hogaanka dalka iney majaraha u qabato oo sida ay rabto oo ah in loo yeelo waxa ay rabto, haddii kale ay Itobiya sida Somaliland ay dhulbadeed aqoonsi uga bedelaneyso.
Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa lagu aqbalay in lagu bedeli doono qaab lagu dhameystiri doono, waxeyse caqab badan ay ka timid madaxda maamulka Puntland oo mar kasta diidanaa in wax isbedela lagu sameeyo dastuurka, iyagoo ilaalinaaya in hanaanka dhismaaha dowladnimada Soomaaliya ay salka ku hayso hanaanka baarlamaanka oo raisul wasaaraha uu noqdo xubin ay dhaxaltooyo u helaan hadiiba aysan noqon madaxweyne, iyaga oo aaminsan in raisulwasaaraha ay u tahay aalad ay hogaanka awooda dalka ugu qaban karaan maaajaraaha si dadban oo awooda madaxweynaaha dalka ka dhigaysa mid maqaarsaara, taas oo ah haddii ay dalka madaxweyne ka noqdaan ay tahay in dalka taladooda lagu hogaaminayo, haddi kalese oo ay noqdaan raisulwasaare iney taladoodu tahay mida sida dadban dalka loogu hogaaminayo.
Puntland wax go’aana kama aysan soo saarin qadiyada ay ka taagan tahay dhul boobka Itobiya, waxeyna xeeladeedu ay u muuqataa iney taageeradda arrintaas ama diidmadeeda ama ka sii amusnaanteeda ay tahay dhagar ay ku dooneyso iney gorgortan kula gasho madaxda dowladda dhexe oo ay u aragto iney hadda u nugul yihiin iney maqlaan rabitaankooda ay ku doonayaan iney hogaanka dalka taladooda ay ka shaqeyso oo aan la’aantood wax tilaabo ah aan la qaadin ama aysan dhicin in laga maarmo sareyntooda, iyagoo ku goodinaya iney mucaaradka Muqdisho gabaad u noqonayaan si ay uga horkeenaan madaxda dowladda dhexe oo ay hadda saaran tahay culaabta hanjabaada Itobiya.
Dastuurku uma baahna in dib loogu celiyo gogol wadatashi oo lagu qabto Garowe, umana baahna odeyaal ka arrimiya dhameystirka dastuurka, waxeyna taasi ahayd mid laga soo gudbey 12 sano ka hor, waxaana isbedelka dastuurka gacanta ku haya hayadda sharci dejinta oo siyaasad ahaan wax ka bedelkiisa u xilsaaran, iyadoo baarlamaanka dalka uu yahay hayad ay metelaada Soomaalida ay ku wada dhan tahay, waxaana ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan madaxda dowladda dhexe iney go’aanada masiiriga ah aysan noqon kuwo shirar dibuheshiineed dib loogu celiyo oo wadatashi xeer jajaba lagu soo go’aamiyo, taas oo dhabarjab ku noqoneysa hayadda fulinta oo meelmarinteeda siyaasadaahaas ugu xilsaaran.
Shirqool kasta oo la soo maleego waxaa la huwiyaa magaca shir wadatashi oo macnaheedu yahay in dowladdu ambatay oo ay ka mariin habawday maandeytkeedii, sidaas daradeedna dadka sida gaarka ah isugu dhuun daloola oo sida daboolan u wada maleegaya dhagarta mucaaradka madaxda dowladda iney iyagu isku xilsaaraan qabashada shir dibuheshiisineed oo tabashooyinka laga qabo madaxda dowladda dhexe lagu muujiyo si loogu qaldo rayiga guud, iyadoo xeeladaas lagu cabirayo in madaxda dowladda laf ahaantoodu ay aqbalsan yihiin iney run tahay eedaha laga tabanayo maadaama ay ogolaadeen qabashada gogosha oo baaqa ka soo baxaya oo horay loo sii diyaariyey ay tahay mid caalamka loogu tusayo awoodooda ay ku muujinayaan midnimada xooggooda ee mucaaradnimada dowladda.
Puntland waxa ay rabto iyo waxa u laaban oo ay qarineyso iney hesho waxey ahayd iney madaxda ay doorteen ay arrimahooda kala hadlaan madaxda la doortay ee dowladda dhexe, balse waxa ay rabaan waxaa ka weyn waxa ay keyd ahaan u qarinayaan oo kalifaya iney daanahooda si ay u gaaraan ay u qabanayaan shir wadatashi oo ay ka soo qeybgelayaan dad aan ahayn reer Puntland, waana taas mida u baahan ka fiirsasho, maxaayeelay arrinta gogosha ayaa u muuqaata mid ka gudubtey tabasho heer gobol, una sii socota mid wadata saameyn wadaan iyo heer caalamba, si kastaba ha ahatee, waxaa isweydiin u baahan maslaxada ugu jirta mucaaradka Muqdisho wadatashiga ay ka gelayaan tabashooyinka ay sida gaarka ah u wadato Puntland?!
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com