Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku weerartay Markabka dagaalka USS Greeley

Afhayeen u hadlay kooxda Ansarullah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Badda Cas ku weerareen Markabka dagaalka USS Greeley ee ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Qoraal ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in weli ay sii wadayaan weerarka maraakiibta Israel iyo kuwa ku socdo dakadahooda ilaa inta dagaalka Gaza la joojinayo lagana qaadayo xayiraadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta.

Waxay sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan gantaalkan oo ku soo aaday xili Maraakiibta ganacsiga ee Shirkadaha caalamiga ah ay joojiyeen isticmaalka badda Cas.

 

Related posts

Wasiir dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsado Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Taliyaha ciidanka XDS ka dhegeystay Warbixin xasaasi ah

Caydiid Ali

Haweeney 37 jir ah oo mar kaliya umushay toban caruur ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---