Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo balan-qaad culus ka helay Bankiga adduunka (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxa Bangiga aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay derdergalinta iskaashiga arimaha la xiriira wax soo saarka.

Sidoo kale, waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah horumarinta nidaamyada dowladda, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundoonyinka oo dhawaan qaar kamid ah ay ku burbureen fatahaadaha roobabka Elnino.

Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa balan qaaday iney gacan ka geysan doonaan dib u dhiska kaabeyaasha ku burburay roobabka El-nino, iyadoo Axmed Madoobe ku bogaadisay dedaalka uu ugu jira wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira degaanada Jubaland

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo ku faanay in uusan tuug aheyn hadana uu heesto hanti badan

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda & danjire Hassan Bin Hamza? (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay musharaxnimada Mukhtaar Roobow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---