Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad Muqdisho ka dhacday

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ka xustay Munaasabdada Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo Cuntada Aduunka waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha  Dalka Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid, Madax ka socotay Beeralayda Soomaaliyed, Hay’addaha FAO,WFP iyo USAID.

Inta ay socotay munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaadayo ka hadlay ahmiyada tacbashada leedahay iyo suugan ka hadlayso beeraha,iyadoo iskaashatooyinka ka hadlay munaasbada ay soo dhaweyn dadaalada ay ku baxisay wasaaradda sidii looga qeyb qaadan lahaa wax soos aarka dalka .

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo furtitanka munaasabada ka a hadal jeediyay ayaa tilmayay in maanta ay qiimo wayn u leedahay Wasaaradda iyo Beeralayda Soomaaliyed.

“hal ku dhiga munaasbadan sanadkan aan qaadanay waxa waye aan beerahacuntada dalkeena si aan baraare u gaarno,aduunka waxuu hal ku dhiga sanadkan uu qaatay ay tahay sidii cuno sugan loo heli lahaa, ka wasaaradd ahaan waxaa horumarin ku sameyn wax soo saarka dalka, Mudane Ra’iisul Wasaaraha WFP waxaa ay hada waxii ka danbeyso ay ka iibsanaysaa dalagyada dalka oo ay ka iibsanayso Beeralayda, tasoo dhiiragalin u ah beerayada, waxaan  wadnaa  ballaarinta dhulkeena beeraha iyo dib u dhiska kanaalada  oo meel wanaagsan noo marayo ,ayuu yari Wasiir Saciid Xuseen Ciid.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmayay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad wayn siinayso wax soo saarka dalka ayna diyaar u tahay dhiiragalinta Beeralayda Soomaaliyeed.

“Waxaa naga go,an sidii aan u kordhin lahayn wax soo saarka dalka, waxaan ku faraxsanahay in shaqo wanaagsan ay qabteen dadka Beeralayda Soomaaliyeed,waxaa muuqata rajo wanaagsan in maanta in aan xusno maalinta Beeraha Soomaaliyeed wax ay astaan u tahay in rajo jirto wfahankeena sareeyo,waxaan rabnaa inaa yareenayo wax aan ka soo eebsanayo dibada waaye waa in aan ka faa’iideysano khayradka dalkeena, ma aqbalayno in labo bilyan aan cuno uga soo iibsano dibada waa in cunada dalkeena in aan is barnaa siidi aan uga maarano wax dibada noogala keeno ayuu yari Ra”iisul Wasaare khayre.

Wasaaradda Beeraha XfS ayaa sheegtay in sanad walno dalka cunada dibada looga keeno in ay dhan tahay 1.5 bilyan dolarka Mareykanka ah,si taas looga duulo ayee sheegtay in ay dadaal  ubaxinayaa sidii loo kordhin laahaa wax soo saarka dalka iyo cunada dalka loo cuni laha tasoo maanta ay bilaabeen in cunada dalka ay cuni doonan  Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya  Sida Booliska iyo Xooga dalka in loo Karin cunada ka soo baxdo dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday ka badan 110 oo ka qelin jebiyey Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden & dhigiisa Ruushka oo kulan ku leh Magaalada Gineva (Sawirro)

Caydiid Ali

Safiirkii dowlada Shiinaha u fadhiyay Israa’il oo la helay isaga oo Meyd ah

Cabdi Cade