Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Britain oo ka fiirsaneysa iney aqoonsi buuxa siiso dowlada Falastiin

Britain waxay ka fiirsan doontaa inay aqoonsato dowlad Falastiin ah taasoo qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed “, ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda David Cameron.

Waxaa uu sheegay in tallabadaasi ay gacan ka geysan doonto in la keeno xal laba dowladood ah oo hadda wajahaya mucaaradad xooggan oo uga imaanaya ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Falastiiniyiinta waa inay lahaadaan aragti siyaasadeed si ay u arkaan inuu jiro horumar aan laga laaban karin oo lagu gaari karo xal laba dowladood ah”, ayuu yiri Cameron khudbad uu ka jeediyay xaflad lagu qabtay London.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa Netanyahu ugu baaqay inuu aqbalo xal laba dawladood ah si nabad loogu soo dabaalo labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa diiday dadaallada xulafada, oo uu ku jiro Mareykanka, , isagoo sheegay in arrintaas ay khatar gelineyso dowladda Israa’iil

Hase yeeshee khudbadiisii Cameron wuxuu ku qeexay sida UK iyo xulafada ay u kordhin karaan cadaadiska Israel iyagoo ka fiirsanaya inay aqoonsadaan dawlad Falastiini ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Waa inaan bilownaa inaan dejino sida ay u ekaan doonto dowladda Falastiin – waxa ay ka koobnaan doonto, sida ay u shaqeyn doonto,” ayuu yidhi.

“Sida taasi dhacdo, anaga, anaga iyo xulafada, waxaan eegi doonaa arrinta aqoonsiga dowlad Falastiin, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay. Tani waxay noqon kartaa mid ka mid ah waxyaabaha caawinaya in geeddi-socodkan aan laga noqon karin.” ayuu intaas ku daray

Cameron ayaa todobaadkan booqashadiisii afraad ku tagi doona bariga dhexe tan iyo markii loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibadda bishii November isagoo Israel ku cadaadinaya in xiisadda la qaboojiyo.

Related posts

Deni oo go’aano deg deg ah ka soo saaray diidmada Shilinka ee degaanada Puntland

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow sababta ka Dambeysa amarkii kasoo baxay Hanti dhowraha Qaranka

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Amakaag ku noqotay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Waraabe (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---